Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Kampala

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Waxaa garoonka Diyaaradaha ku soo dhoweeyay madax ka tirsan madaxtooyada Uganda, waxaana madaxweynaha uu la kulmi doonaa dhiggiisa Uganda Yoweri Musaveni oo ay ka wadahadli doonaan xaaladda Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne farmaajo ee dalka Uganda ayaa ku qotama dagaal uu sheegay in lagu qaadayo Xarakada Alshabaab kadib weerarkii qaraxa ahaa ee dadka badan lagu laayay ee ka dhacay isgoyska Zoobe ee  magaalada Muqdisho 14-kii bishaan.

Faah Faahin intaan ka badan dib kala soco Insha allah 

PUNTLAND POST