Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo War-murtiyeed ka soo saaray xaalada Amni dalka


War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada  Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Shanta Madaxweyne dowlad goboleed, ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka iyo qodobo kale.

War murtiyeedka oo ka koobnaa 8 qodob ayaa ugu horeyn looga tacsiyadeeyay umadda Soomaaliyed qaraxii ay dadka badan ku dhinteen 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka mashquulsan tahay arrimihii Amniga, isla markaana ay xoogga saareyso siyaasado dadka iyo dalka sii kala fogeynayo.

Hoos ka Aqriso War-murtiyeedka

PUNTLAND POST