Boqolaal qof oo Salaad Janaaso ku tukuday Isgoyska Soobe


Boqolaal shacbaka Muqdsho ah ayaa maanta salaadii Jamcaha kadib isugu soo baxay Isgoyska Soobe oo 14-kii bishan ay ka dhacday musiibadii lagu hoobtay.

Shacabka ayaa halkaas ku tukuday labo rakco oo salaada Janaasada ah, waxaana kadib halkaas ka hadlay Imaamka Masjidka Shiikh Cabdi Xayi oo jeediyay khudbad ku saabsan sida ay u wanaagsan tahay in la ilaaliyo dhiiga qofka Muslimka ah, isaga oo sidoo kale u duceeyay dadkii ku dhintay qaraxii Soobe.

Isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa 14-kii bishan waxaa ka dhacay musiibo ay ku dhinteen dad kor dhaafaya 300, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, kadib markii qarax la la beedsaday, mana jirin masiibo xadkan la’eg oo markaliya dadka intaas la’eg ay ku dhinteen inta la xusuusanyahay taariikhda Soomaaliya.

Shalay ayaa maamulka Gobolka Banaadir dayactir ku bilaabay wadada Soobe oo qaraxii uu burbur weyn ugeystay, waxaana loogu magacday hadda kadib Isgooska 14-ka  October.

PUNTLAND POST