Maamulka G/Banaadir oo magacii ka badalay Wadada Soobe ee qaraxu ka dhacay

Maamulka Gobolka Banaadir ee dowlada Soomaaliya ayaa maanta dayactir ku bilaabay wadada Soobe ee Muqdisho halkaasi oo 14-kii bishaan uu ka dhacay qarax qasaare geeystay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo Wariyaasha kula hadlay halkii qaraxa uu ka dhacay maanta ayaa sheegay in magacii laga badalay Isgooyska soobe ee Muqdisho.

Gudoomiye Taabid ayaa sheegay in loo bixiyay wadada 14-Octobar si loogu xusuusta dadkii ku dhintay isgooyska Soobe ee Muqdisho.

Waxaa dib u tayactir balaaran uu ku socdaa isgooyska Soobe ee Muqdisho iyo goobaha ku hareereeysan oo uu saameyn xoogan ku yeeshay qarixii 14-ka Octobar ee ka dhacay Muqdisho.

Hoos ka dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho