Xildhibaan ka tirsan Jubbaland oo lagu toogtay Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka  jubbaland ayaa ku waramaya in askari ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Soomaliya uu toogtay Xildhibaan Cabdixakiim tima-faras oo ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka jubbaland.

Alla ha unaxariistee Xildhibaanka ayaa la dilay isagoo kasoo baxay gurigiisa, waxaana baxsaday askarigii dilka fuliyay.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland oo goordhaweyd la hadlay  Warbaahinta ayaa sheegay in xildhibaanka uu toogtay askariga hubeysan islamarkaana uu goobta ka baxsaday.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah 

PUNTLAND POST