Ra’iisulwasaaraha Iraq oo wada-hadal ugu baaqay madaxda gobolka Kurdistan

Ra’iisulwasaraaha dalka Iraq Haider Al-abadi oo caawo shir jaraa’id ku qabtay magaaalada Baghdad ayaa ugu baaqay madaxda gobolka kurdistan in ay soo fariistaan miiska wada-hadalka,si waafaqsan Datuurka,xilli hoggaamiyaha Kurdistan Masoud Barzani uu wacad ku maray in aan marnaba la’ laali doonin natiijada aftidii madax-bannaanida ee gobolkaasi .

Al-abadi ayaa aftida laga qabtay Kurdistan ku tilmaamay”wax laga soo gudbay”,wuxuuna sheegay in ay waajibtahay in calanka Iraq la suro guud ahaan dalka oo uu ku jiro gobolka kurdistan,iyadoo la raacayo Dastuurka,lana adkaynayo midnimada dalka Iraq.

“Aftidii waa dhammaatay,waana laga soo gudbay.Waxaan ugu baaqayaa madaxda Kurdistan in ay miiska wada-hadalka yimaadaan,si waafaqsan Dastuurka dalka.Waa inaan ka shaqeyno midnimada iyo wadajirka dalkeenna.Uma baahnin dagaal sokeeye iyo burbur horleh.Calanka Iraq waa in uu ka a ba’bado guud ahaan dalka iyo gaar ahaan Kurdistan” ,ayuu yiri Al-abadi

Hoggaamiyaha Kurdistan Masoud Barzani ayaa dhankiisa wacad ku maray in aan marnaba la’ laali doonin natiijadii ka soo baxday aftidii madax-bannaanida ee gobolka laga qabtay,taasoo in ka badan 90% loo codeeyey’Haa’.Barzani ayaa ku eedeeyey xukuumadda Iraq in ay dagaal ku riixayso shacabka Kurdistan oo uu sheegay in ay nabad jecel yihiin.

Militariga Iraq ayaa Isniintii qabsaday magaalada Kirkuk,kadib hawlgal kooban oo ay ku qaadeen ciidanka Kurdiyiinta,kuwaasoo ka dhego-adaygay dalabkii xukuumadda Baghdad ee ahaa in ay halkaasi banneeyaan.Dad badan oo rayid ah ayaa ku baro-baxay hawlgalkaasi,inkastoo xabeennimadii xalay bandow lagu soo rogay gebi ahaanba magaalada.

Dowladda Maraykanka oo labada dhinacba taageero siisa,ayaa soo jeedisay in si nabad loo xalliyo khilaafka,waxaana madaxweyne Trump oo ka hadlayey Aqalka Cad uu sheegay in aan dalkiisu dhinacna la jirsaneyn.

“Ma dooneyno loollan cusub,lamana jirsaneyno dhinacna,waayo? waxaan xiriir wanaagsan la’ leenahay labada dhinacba,sidaas darteed geesna raaci mayno”,ayuu yiri madaxweyne Trump.

Dhinaca kale war qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri”xoghayaha Guud wuxuu baaq u jeedinaya Xukuumadda Iraq iyo mas’uuliyiinta gobolka Kurdistan in ay sameeyaan tallaabooyin munaasab ah oo looga hortagayo in isku dhacyo cusub dhexmaraan labada dhinac,si aan xaaladdu gacanta uga bixin.Wuxuu sidoo kale ku baaqaya in wadajir looga shaqeeyo xallinta murankaan,islamarkaana miiska la isugu yimaado”.

Dowladaha Turkiga iyo Iran ayaa sidoo kale war ay soo saareen ku shaaciyey in aanay marnaba aqoonsan doonin natiijada aftida laga qabtay Kurdistan,waxayna sheegeen in ay aaminsan yihin midnimada iyo madax-bannaanida dhulka Iraq.

Dowladda Turkiga ayaa si weyn uga cabsi qabta in Kurdistan gabbaad u noqoto Jabhadda PKK oo xukuumadda Ankara u aqoonsantahay”argagixiso”,iyadoo ay soo baxayaan tuhun laga qabo arrintaasi.

 

PUNTLANDPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar