Xaaf:-“Aan Iska Eegno Cadowgeena Al-shabaab, oo Siyaasad aan Isku Riix-riixin”,

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa ka hadlay qaraxii  khasaaraha badan dhaliyay ee todobaadkaan gudihiisa ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug  Xaaf oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Cadaado ayaa tacsi u direy Eheladda dadkii ku dhintay qaraxaas isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

“Wiil baa gabyay oo yiri indhaha aad isku araktaan cadaawada isaga eega, waa laga fiican yahay in aan siyaasad isku riix-riixno, wixii ka dhacay Magaaladda Muqdisho waxay ahaayeen wax aan la aqbali karin, Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda iyo Dowladda Dhexe ee Soomaliya ha u midoobaan cadowgooda, aniga oo khilaaf igala dhaxeeyay Dowladda Dhexe waa iska ilaaway arintaas”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf).

Hoos ka Dhageyso Codka Xaaf

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post