Hay,adda AIDS-ka Puntland oo kulamo ka qabatey Gaalkacyo

Hay’ada la dagaalanka AIDSka Puntland (PAC) ayaa kulan ugu qabatay magaalada Gaalkacyo ku hawlanayaasha dardargalinaya hawla shaqo ee loo igmaday oo  ay ka mid yihiin  adeegyada  daryeelka iyo daawaynta dadka  la nool jeermiska HIV iyo  wacyigelinta bulshada ee ku saabsan ka feejignaanta iyo ka hortaga Jeermiska HIV iyo ka dheeranshaha Faquuqida dhaleecaynta dadka la nool jeermiska maadama ay tahay qadar rabi.

Hay,adda PAC ayaa laamaheeda kala duwan ee Degmadda Gaalkacyo kula wadaagay wixii kasoo baxay kormeerka iyo qorshayaasha cusub ee PAC sidoo kalena waxay ka dhagaysatey talooyin iyo tabasho.

Kulankan oo ahaa midkii ugu horeeyey oo noociisa ah waxaa hogaaminayey Agaasimaha guud Hay’adda PAC Burburshe,Waxaana ku wehelinayey madaxa waaxda dabagalka iyo qiimaynta PAC iyo wakiilka gobolka Mudug.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah kulamo laga samaynayo Gobolada Puntland oo dhan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST