Eng Camey oo beeniyey in khilaaf ka dhex jiro isaga iyo madaxweyne Gaas

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdillaahi Cumar Camey oo fasax ku jooga Dalka Zambi ayaa beeniyey in wax khilaaf ah ka dhex jiro hay’adaha Dawlada Puntland siiba isaga iyo madaxweyne Gaas wuxuuna ku tilmaamay war aan sal iyo raad lahayn wararka sheegaaya in khilaaf ka dhex aloosan yahay madaxda ugu saraysa Puntland.

Eng Camey oo ka hadlay shirka Kismaayo wuxuu codsaday in la cadeeyo anjandihiisa, walow uu ifafaalo wanaagsan ka muujiyey qoraalo ku saabsan shirka oo uu sheegay inuu akhristay, wuxuu tilmaamay inuu noqon doono qofka ugu horeeya ee soo dhaweeya hadii wax Soomaalida u dana uu kasoo baxo shirkaas.

Hadal uu madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ka jeediyey magaalada Garowe xili uu ka dhoofaayey oo uu ku dhaliilay shirka Kismaayo ayaa dhaliyey shaki ku aadan in khilaaf ka dhex jiro madaxda ugu saraysa Puntland.

Qaar kamida warbaahinta Soomaalida ayaa baahiyey inuu jiro khilaaf muuqda oo u dhaxeeya Camey iyo Gaas, walow uusan jirin wax khilaaf siyaasadeeda oo laga dareemaayo gudaha Puntland.

PUNTLAND POST