Maqaal:- Iibinta Hantida Umadda oo Gaalkacyo si hoose uga bilaabatay


Qiyaasta laba sano ka hor xilligan (2015) waxaa magaalada Gaalkayo oo waligeed xukuumad saluug Puntland qabtay soo gaaray wafti ballaaran oo heer madaxweyne, heer gole wasiir, heer gole wakiil iyo heerar kaleba lahaa oo ka socda xukuumadda Puntland.

Dadwaynaha magaalada oo dhab ahaan u oommanaa dhugashada marakan ee maamulka Puntland aad bay usoo dhaweeyeen imaanshaha heerka sare ah ee xukuumadda waxayna raxan-raxan ula kulmayeen maamulka iyadoo qolaba meel looga baahi qabo xukuumadda u tilmaamaysay.

Isla maalmihii ay timidba waxay dowladdu si deg-deg ah u guda gashay mashruuc u muuqday inay ku timi ama ku socotay ee aan tashi dadweyne ku imaan oo ahaa dib u habeynta bilicda magaalada Gaalkacyo iyo bannaynta guryaha dowladda. Inkastoo dadka qaar bilowgiiba shaki ka muujiyeen in mashruucu ka hooseeyo heerkii loogu weel bannaystay imaanshaha xukuumadda, haddana si taxaddar ku jiro baa loogu soo dhaweeyay mashruuc- yarahaas ay dowladda hoose ee Gaalkacyo oo taageero heshaa kuba filnayd.

Inkastoo Gaalkacyo ka mid tahay meelaha dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya aadka u saameeyeen, haddana dhanka kale Gaalkacyo kama duwana magaaloyinka kale ee Soomaliya marka la eego in hantidii dowladdii dhexe ee burburtay ay dhul iyo dhismaba  in badani dadweynaha gacantiisa gashay, iyo waliba in qaab dhismeedka magaalooyinku wada xumaadeen kaddib markii qorsha la’aan la iska dhistay.

Mar haddii aysan dhismo xumo, jidad xumo iyo degitaanka shacabka ee guryihii dowladda aysan gaar ku ahayn, waxaa dad badan ka yaabisay waxaa gurmadkii dowladdu ugu koobmay dib u habaynta magaalada sidii meel masiibo dabiici ah iyo duufaanno gaar ah Alle kama dhigee ay dhawaan burburiyeen oo loo soo gurmanayo.

Dhanka kale marka laga reebo dad yar oo malaha ammaano kugu raagtay inaad leedahaa mooddaa darteed, ama danyarnimo awgeed xoogaa isugu adkeeyay, ama muddo ay ku guuraan dalbaday, haddana guud ahaan si fudud baa dadku amaradii dowladda ugu hoggaansameen una banneeyeen guryihii. Waxay taasi markhaati u noqotay in dhulku markasta ahaa hanti qaran, kan dagganina ku dagganaa, markii loo baahdo oo dan guud loogu baahdana laga heli lahaa sida haddaba dhacday.

Dhismayaashu ha bannaanaadeen intii koox yar ahi ka faa’iidaysan lahayd iyo dad ha kusii noolaadu intii ay bannaanaan lahaayeen baa is barbar yiillay waligeed, waxaase soo afjaray markii dowladdu tiri waa loo baahday waana la dhisayaa oo bulshadaa loogu wada adeegayaa, dadkii dagganaana u hoggaansameen oo banneeyeen.

Durbase waxaa soo muuqday in dowladdu aysan qorshaha bannaynta iyo duminta qorshe dhisideed oo u diyaarsan la dhinac socon, ee mashruucu marka hore ka saarid iyo bannayn ahaa. Waxaa xusid mudan in dowladdu markiiba isku dayday qorshe loogu magac daray santuukha horumarinta gobolka Mudug kaasoo bulshada dhaqaale looga yaboohayay ha yeeshee aan najaxin, kaddib markii dadku ku qanci waayeen hindi-sahaas dowladda iyadoo loo arkay in doorkii dowladdu noqday annagu duminnaye idinku dhista.

Waxaa xusid mudan in guryaha la dumiyay qaarkood kaliya u baahnaayeen dayactir kooban oo suuragalin karay in bulshada loogu sii adeego iyadoo lagu xisaabtamayo jeeb yaridda maamulka, halka dumintooda lagu xarfo taraaray oo aan laga fiirsan.

Meelaha tusaalaha fiican dayactirka iyo ku shaqayntiisa loo soo qaadan karo waxaa ka mid ah dugsiga sare ee Cumar Samantar oo iyadoo aan la dumin, dayac tir kooban kaddib muddo dheer shaqaynaya, kummanaan ardayna ka aflaxeen walina dhigtaan.

Laba sano kaddib ololihii dowladda ee Gaalkacyo xaalku waa see?

Meelo la dhisay oo lagu shaqeeyo, meelo la dhammeeyay oo aan wali la furin, meelo la wareejiyay, iyo meelo wali bannaanba waa jiraan. Qiimaynta dhabta ahise waxay imaanaysaa marka la arko waxa la dhisay, sida loo dhisay, waxa lagu dhisay iyo ugu danbayn sida loo dhaqaajiyo oo bulshada loogu adeego goobtaas.

Tusaale ahaan haddii sida dadka qaar qabaan ay xukuumaddu rabto inay dhulka isku dhisto iyadoo qayb gadaysa si ay qayb ugu dhisto, dhanka kalena dadka u muujinaysa inay wax qabad la timid oo mudan tahay in loogu sacab tumo, hadde sow taasi noqon mayso fikraddii (2 + 2 = 5) ama laba lagu daray laba shan ka dhigisteed.  Mar haddaan wax lagu soo kordhin, hantidii ummadda baan isugu kiin cel-celin oo isku dhisin indha-ku-garaadlaa wax qabad moodi.

Waxaan shaki ku jirin in inbadan oo dadkii ku manaafacaadsan jiray ama noloshooda ku-meel gaar ugu maarayn jiray hantidaas umadda, ay qanci doonaan markay arkaan meeshii oo ka qurux badan say ku degganaayeen, dadweynihiina loogu wada adeegayo. Haddiise ay afbannaan tahay, ama waxaan u qalmin laga dhisay iyana la dhaafshay, ama la isku dhisay waxna la is dhaaf-dhaafshay hadde waa laba khasaar, illeyn col hantida lagama soo dhicin ee kii wax ku lahaa baa sii gabbaadsan jiraye.

Hadda maxaa soo kordhay:

Ayaamahan waxaa soo ifbaxday arrin kale. Waxaa bilaabatay in hantidii umaddda qaarkeed si hoose loo gadayo iyadoo aan la shaacinayn, aadna maqlaysid meel hebla hebel baa laga gaday oo waxaa lagu dhisin meel hebla oo lacagiti ka go’day, iyo dan guud baa loo gaday, iyo dowladdaa dayn lagu lahaa oo u baahatay iyo waxyaalo kale.

Marka loo noqdo dastuurka Puntland hantida umadda ka dhaxaysa waxaa ka masuula dowladda, haddii baahi timaaddana waa la iibin karaa, ha yeeshee shuruudaa la daba dhigay. Si loo xafido hantida loona hufo wareejinteeda waxaa dastuurka lagu qoray hab raac sharci ah oo loo marayo iibinta iyo wareejinta hantida umadda.

Eeg dastuurka Puntland, Qodobka 52aad GADIDDA HANTIDA UMMADDA :

Firqadiisa 1aad- Wareejnta hanti kasta ee dawladdu leedahay waa in la mariyo habraac sharciga waafaqsan.

Firqadiisa 3aad- Hanti kasta oo qiimaheedu ka yar yahay US$ 50,000 (konton kun US$), waxaa awood u leh Golaha Xukuumadda, wixii ka badan US$50,000 (konton kun US$), waxay u baahanaysaa ogolaanshaha Golaha Wakiillada.

Firqaddiisa 4aad – Gadidda hantida dawladda waxaa loo marayaa habka tartanka xaraashka furan.

Haddaba waxaa iswaydiin mudan miyaa loo maray habkaas kore ee dastuurku dhigayo, iibintii hantidii umadda oo dhawaan la wareejiyay.  Maadaama sida la ogyahay hantida la wareejiyay ka badan tahay xadkii golaha xukuumadda loo oggolaa, golaha wakiilladu ma ansixiyeen mase ka warqabaan? Sida Firqadda 4aad ee qodobka 52aad ku qoranse, gadidda hantida dowladda ma loo bandhigay habka tartanka xaraashka furan?

Su’aalahaas qaar jawaabtooda ciddii og ama ay khusayso baan u daynaynaa, waxaanse hubnaa inaan tan u danbeysa oo ah tartanka xaraashka furan aan la marsiin ee hoos-hoos loo kala waydaarsaday.

Waxaa kaloo cad in wasiirro ku milnaayeen iibka dhulka qaarkiis, haddii ay shaqadoodii ahayd iyo haddii ay hororsadeenba. Dhulkaas mugdiga lagu kala gatay, waxaa dad badan la yaabeen markii la ogaaday in ugu yaraan 20% qiimaha dhulka dullaal loo kala tuurtay, waxaana kasii yaab badnayd markii la yiri waxa dullaalka sare u qaaday hadde wasiirraa howsha wax ka qabtay!

Dhulalka hoos loo kala gaday waxay keeneen in dhulka qaarkiis dadkii hore u degganaa diideen in lagu dul gato, maadaama aan si furan loo gadin, ayna ku doodayaan in iyagu u xaq leeyihiin in laga gado mar haddaan xaraash lagu beecin ee hoos-hoos loo gadayo. Waxaa iyana socda dhulal la leehay waa la soo qoray in la gado ee hebelow intee oggashahay, adiguse intee oggashay aan kuu soo dhammaynee.

Waa nasiib darro in hantidii umadda wareejinteeda la howl yaraysto, oo inta masaakiintii dagganayd laga jafo, sida muuqata masuuliyiin hortooda kaga macaashaan wax kala beddelkaas iyo iibkaas aan sharciga waafaqsanayn.

Dastuurka Putnland wuxuu awoodda siinayaa EEBBE wayne ka sukow, dadweynaha, doorka masuuliyiinta xukuumadduna waa adeegayaal, waliba waxaa dastuurku uga digay adeegayaasha inay awoodda dowladnimo u adeegsadaan dano gaar ah ama ku macaashaan sida badanaa dhacda. Bal eeg  Qodobka 3aad ee dastuurka Puntland:

  1. Awoodda oo dhan EEBBE ka sokow waxaa iska leh dadweynaha, waxayna u idmanayaan mas’uuliyiin ay u xilsaartaan si sharciga waafaqsan. Mas’uuliyiinta dalku waa adeegayaal dadweyne, xilkoodana waxay u gudan karaan oo kaliya sida uu sharcigu farayo ama uu bannaynayo.
  2. Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan kara si gaar ah.

Ugu danbayntii, waxaa habboon in markasta loo wada istaago cayminta iyo ilaalinta hantida guud ee ummadda meel kasta, gaar ahaanna midda Gaalkacyo oo ayaantaan si aan sharci ahayn faraha loogula jiro, isha lagu wada hayo oo aan cidna laga yeelin inay si gaara oon sharci ahayn uga macaashaan iibinta iyo wareejinta hantida umadda.

Marka adeeguhu howshiisa dayaco, awooddisana ku xadgudbo ama ku tagri falo, sow lagama rabo in loo adeeguhu uusan dantiisa marti ka noqon ee soo faragashado.

Sidoo kale waxaa habboon in xilligan kala guurka iyo dabaadiga maamul ah, in feejignaan iyo xil dheeri ah la iska saaro ilaalinta hantida ummadda nooc kasta oo ay tahayba, maadaama ay halis ugu jirto haraatida cid kasta oo daba gooso is leh.

Abdirizak Abdulle Farah

Puntland, Somalia

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *