Shirweyne ku saabsan midaynta hannanka maaliyadda dalka oo berri Garoowe ka furmaya.

Shir weyne ku saabsan midaynta Hannaanka Maaliyadda Dalka oo u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda Federaalka iyo kuwa maamulgoboleedyada ayaa maalinta berri ah ka furmaya Magaalada Garoowe,sida laga sheegay Kulan horu-dhac ah oo maanta la qabtay.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo kulanka ka hadlay,ayaa ugu horrayn soo dhoweeyey mas’uuliyiinta ka socda Wasaaradaha Maaliyadda Federaalka iyo maamulgoboleedyada ee ka qayb galaya shirka berri,wuxuuna sheegay in kulanka maanta loogu gogol-xaarayo shirweynaha berri.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Jacfar Maxammed Axmed ayaa dhankiisa Puntland uga mahadceliyey soo dhoweynta ay u samaysay mas’uuliyiinta isaga yimid Federaalka iyo maamulgoboleedyada,wuxuuna sheegay”in ay tahay markii ugu horraysay oo shir weyne maaliyadeed oo heerkaas ah dalka gudahiisa lagu qabto”,taasoo uu Puntland ku bogaadiyey in ay nasiib u yeelatay marti-gelintiisa.

Halkaan ka daawo kulanka horu-dhac ah.

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

PuntlandPost Garowe