Puntland iyo Galmudug oo qodobo ka soo saaray kulan Gaalkacyo lagu qabtay

Kulan ay maanta magaalada Gaalkacyo ku yeesheen guddiyada nabadgelyada gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ku saabsan ammaanka gobolkaasi oo dhowaan ay xiisad ka jirtay.

Mas’uuliyiinta ka socday labada dhinac ee kulanka yeeshay ayaa sheegay in ay xoojinayaan heshiiskii horay loo gaaray ee nabadaynta gobolka,kadib markii dhowaan colaad ka soo cusboonaatay bariga Mudug,taasoo keentay eedayn saxaafadda la isu mariyey.

Labada dhinac ayaa kulankooda kadib soo saaray 4 qodob oo u muuqda in lagu dejinayo xiisaddii ugu dambaysay ee gobolka,inkastoo marar badan la soo saaray qodobadaan oo kale,balse aanay hirgelin.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Xassan Maxammed Khaliif(Abgaaloow) ayaa warbaahinta u akhriyey qodobada kulanka ka soo baxay oo kala ah:

1. In la sii wado heshiiskii iyo wadahadalkii nabaddeed ee horey u socday

2.Guddiyadii Nabadgelyada in lasoo nooleeyo oo ay shaqadoodii sii wadaan

3.Ciidanka isku dhafka ah inuu shaqeeyo oo shaqadii loo xilsaaray qabtaan

4.In ka hadalka saxaafadda loo adeegsado wax dadka anfacaya ee aan wax dhib ah laga sheegin

PUNTLANDPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar