Dowladda Somalia oo deg-deg ugu yeertay qaar ka mid ah Safiirrada Caalamka u jooga

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay in ku dhawaad 10 safiir oo Somalia u fadhiya Waddamada Dibadda Qaarkood inay si deg-deg ah ugu soo laabtaan dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa Danjirayaashan ku amartay in ay deg-deg kusoo galaan dalka, iyagoo muddo 30 maalmood ah loo qabtay inay kusoo xaroodaan.

Qoshahan oo la sheegay inay isla og-yihiin madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa ujeedkeedu yahay in isbeddel lagu sameeyo safiirada in ka badan 4 sano xilka hayay.

Danjireyaasha loo yeeray inay dalka kusoo laabtaan ayaa waxay kala yihiin;

  1. C/raxmaan Cabdi Xuseen – Danjiraha Somalia ee Dalka Jabuuti
  2. C/qaadir Sheekheey Maxamed – Danjiraha Somalia ee Imaaraadka
  3. Yuusuf Xasan Ibraahim – Danjiraha Somalia ee Shiinaha
  4. Cabdulqaadir Sheekh Amiin Abuukar – Danjiraha Somalia ee Kuwait
  5. Cumar Sheekh Cali Idiris – Danjiraha Somalia ee Qatar
  6. Maxamed Cabdi Ugaas – Danjiraha Somalia ee Suudaan
  7. Sayid Axmed Sheekh Daahir – Danjiraha Somalia ee Uganda
  8. Maxamed Xasan Dawaare – Danjiraha Somalia ee Zambia

Ugu dambeyn, Wararka ayaa intaas ku daray in qaar ka mid ah danjirayasha loo yeeray ay si cad u Cambaareeyeen go’aankii ay Dowladda Soomaaliya ka qaadatay kiiskii sarkaalkii ONLF ee dhawaan loo gudbiyay dowladda Itoobiya Sida safiirka Somalia u fadhiya Dalka Qatar.

PUNTLAND POST