Saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen SH/Hoose oo la burburiyey.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa burburiyey saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen degaanno hoosyimaada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose,sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka(SONNA).

Ciidanka ayaa burburiyey Fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen degaannada Mushaani iyo Jannaale oo hoosyimaada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose,sida ay wakaaaladda Wararka Soomaaliyeed ee(SONNA) ka soo xigatay taliyaha ururka 26-aad ee guutada saddexaad ee Xoogga dalka,Xassan Maxammed Abukar(Jaamici).

Taliyaha ayaa sheegay in ay Al-shabaab kala kulmeen dagaal naf la-caarinimo ah,balse ay uga guulaysteen,sida uu hadalka u dhigay,inkastoo aanay jirin cid ka madax-bannaan oo warkaasi xaqiijisay.

 

PUNTLANDPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar