“Daawo” Ciidamadda Badda Puntland oo soo bandhigay Saanad hub ah oo ay qabteen

Bosaso-[Puntland Post] Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ee PMPF ayaa deegaanka Marooro oo qiyaas ahaantii 9-KM u jira magaalada Boosaaso ka soo qabtay doonidan oo lagu magacaabo Alfurqaan oo waday hub sharci darro ah oo kala ahaa hubka culus iyo kan fudud waxaana kamid ah qoryaha loo yaqaano dhashiikaha PKM-ka, Bastoolado iyo sanaadiiq rasaas ku jirta.

Gaashaanle Maxamed Maxamuud Xasan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ee PMPF ayaa sheegay in ay ku guulaysteen soo qabashada hubkan ayna ku raad joogaan dadkii doonidaasi u rarnayd iyo halkii ay ku sii jeeday

Sidoo Kale Sarkaalkan ayaa sheegay in baaritaan ay ku hayaan doontaan iyo cida ay u socotay, wuxuuna sheegay ineysan qaban, dadkii watay hubkan, iyadoona qeyb Labaad oo kamid ah hubkan ay bariga ka qabteen Ciidamada Booliska ee Gobolka Bari,

Ilaa iyo hada si rasmi ah uma cadayn saraakiisha ciidamada Badda Puntland hubka halka laga keenay iyo meesha uu u socday.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post -Bosaso