Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxabrashada Puntland oo la kulmay Ardeyda iyo Jaaliyadda Ethiopia

Agaasimaha Guud Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Maxamed C.qaadir Cismaan iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland Maxamed Cabdi Wasarsame (Weerow) ayaa kulan balaaran la qaatay ardayda iyo jaaliyada Puntland ee dalka itoobiya.

Xafladan oo si heersare leh loo soo agaasimay, ayaa intay socotay ardaydu uga warbixiyeen xaaladooda waxbarasho, heerka ay marayaan, guulaha ay gaareen iyo caqabadaha yar yar ee soo wajahay ardayda.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cabdi Warsame ” Weerow” ayaa uga warbixiyey jaaliyada iyo ardayda xaalada guud ee Puntland ku sugan tahay dhanka horumarka, kaabayaasha dhaqaalaha ee dhismuhu ku socdo ama qorshaysan in la dhiso dhawaan, dhanka nabad galyada iyo siyaasada.

Xildhibaanku wuxuu wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ku amaanay shaqada culus ay u hayaan umada Somaliyeed khaas ahaan Puntland taas oo heer wanaagsan mareeso xiligaan ayadoo lagu mashquul san yahay sidii loo sii hormarin lahaa dhanka tacliinta sare , Sidoo kale wuxuu Xildhibaanku xusay qaabka wanaagsan, hufnaan iyo cadaalada ay kuso xulaan ardayda fursada waxbarasho ee wasaaraddu siisay kuwaas oo deeq waxbarasho ay Dowladda uga heshay dalal kala duwan.

Qaybaha kale ee jaaliyada sida ganacsatada,waxgaradka, iyo hooyooyinka aya aad uga mahad celiyey agàasimaha sida ay Wasaaraddu mar walba ugu heelan tahay ardayda reer Puntland guud ahaan gudaha dalka iyo kuwa wax ka barata dalka dibadiisa sidoo kalana u yimid siduu u ogaan lahaa xaaladda ay ku sugan yihiin ardayda Puntland ee wax ka barta dalka Ethiopia.

Ugu dambayn Agaasimaha guud ee wassarada waxbrashada iyo tacliinta sare ee Puntland Maxamed C.qaadir Cismaan, ayaa dardaaran iyo dhiiri galin siyay dhalinta Kuna booriyay inay kor u qaadan aqoontoda kana dheeradan wax walba oo ka mashqulin Kara.

Agaasimuha Guud wuxu u mahad naqay dadalka qunsuliyada Puntland iyo dowrka wayn ay ka qaateen fursadaha waxbarasho ay Puntland ka hesho dalka Ethiopia khaas ahaan wuxuu si khaas ah ugu mhadnaqay Maxamed Aadan Xiray oo kaalin muqata ka qaatay xirirka waxbarasho ee Puntland iyo Ethiopia u dhaxeeya.

Ugu danbayn, Agaasimuhu wuxuu u mahad naqay Gudiga ardayda wax ka barata dalka Ethiopia oo aad isku xiran soona agaasimay xafladaan quruxda badan wuxuuna kula dardaarmay inay is caawiyaan iskana war qabaan ardaydu sidoo kalana ay ilaa shadaan midnimadooda iyo isku xirnaantooda.

Daawo Sawirada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST