Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle oo tagey Beledweyne

Madaxweyanaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagey magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle oo ka soo ambabaxay xarunta maamulkaas ee Jowhar ayaa waxaa kamid ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha magaalada Beledweyne, iyadoo amaanka si weyn loo adkeeyay.

Madaxweyne Waare ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Beledweyne waxa uu  kulamo la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada, Odayaasha dhaqanka  iyo siyaasiyiinta, waxa uuna kala hadli doonaa wada shaqeynta maamulkiisa cusub.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Madaxweyanha cusub ee Hirshabeelle uu ku tago magaalada Beledweyne tan iyo markii la dooray.

PUNTLAND POST