Soomaaliya oo waydey codkii ay ku la hayd Golaha Qaramada Midoobey

Soomaaliya ayaa waydey codkii ay ku la hayd Golaha Qaramada Midoobey kadib markii ay bixin waydey khidmadii xubinnimada Qaramada Midoobey.

Warar la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in ilaahada lagu leeyahay Soomaaliya lacag dhan Laba 2 Milyan taa soo ah lacag isgaartay mudo sanado ah.

Qodobka 19-aad ee Qaramada Midoobey ayaa qoraya in wadankii bixin waaya khidmada xubinimada uu waayayo codkii uu ku lahaa Qaramada Midoobey.

Sidoo kale wadamada Comoros, Guinea-Bissau, Sao Tome and Principe iyo Somali Republic; ayaan wax cod ah ku yeelan doonin shirka, iyada oo sababtu tahay in aanay bixin Qaaraanka xubinnimada ee sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay.

Abuukar Daahir Cismaan Danjiraha Qaramada Midoobay  ee Soomaaliya oo la hadlay laanta Afka Soomaliga ee VOA-da ayaa sheegay inuu arkay waraaqada ay ku qoran tahay in lacago lagu leeyahay Soomaaliya islamarkaana aysan cod ku yeelan doonin shirka haatan ee Qaramada Midoobay.

Waxa uu sheegay in uu hubin inay sax tahay iyo in kale warqada uu ku saxiixan yahay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha ayaa sheegay inay jirto in Soomaalia lagu leeyahay lacagihii qaadhaanka ahaa ee dal ahaan looga rabay, taas oo aan 15-kii sano ee ugu dambeeyey aan la bixinin.

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Abuukar Daahir ayaa sidoo kale sheegay inay sannad walba codsanayeen in dib loo dhigo bixinta lacagtaas, sannadkanna ay sidaas sameeyeen.

Wuxuu meesha ka saaray oo been ku tilmaamay in loo diiday Soomaaliya inay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay inay ka hadlaan ama inay codeeyaan.

Hoos ka dhageyso codka Danjiradaha QM ee Soomaaliya

PUNTLAND POST