Nin isku daldalay deegaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud

Cabdi yare Dhoodaan Maxamed Guuleed oo kamid ahaa bulshada magaaladda Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa meydkiisa oo geed  ka lulanaya waxaa laga helay agagaarka deegaanka Ceeldheere oo hoostaga dhuusa-mareeb.

Waxa uuna kamid ahaaa dadka kunool tuulooyinka hoostaga Matabaan halkaas ayuu kasoo lugeeyay sida ay sheegeen qaar kamid ah Eheladiisa isagoo markii dambe isku daldaley halka meydkiisa laga helay.

Sababta uu isku daldaley Cabdi yare Dhoodaan Maxamed Guuleed ayaa waxaa lagu sheegay in xoolihii uu laha ay abaartu dhaafisey, islamarkaana uu dareemay jahwareer taasina ay keentay in uu is daldalo,

C/laahi Cabdi waxa uu ka mid yahay maamulka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa falkaan u xaqiijiyay warbaahinta isaga oo sheegay in uu yahay fal naxdin leh.

Tan iyo markii ay abaarta baahsan ku dhufutay dalka Soomaaliya ayaa qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya waxaa ku soo badanayay dadka is dilaya.

PUNTLAND POST