Ciidamada Kantaroolka Bosaso oo qabtay Fuustooyin lacago been abuur ku jireen

Bosaso-[Puntland Post] Ciidamada Booliska ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen fuustooyin ay ka buuxeen lacago been abuur ah oo maalmahan dhibaato ku hayay suqyada degaannada Puntland.

Taliyaha Kantaroolka Boosaaso Maxamuud Qalaf ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen Gaadiid waday Fuustooyin afka laga alxamay oo ay ku jirto Lacagta been abuur ah oo ku socotay suuqyada Boosaaso.

Lacagta been abuurka ah oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Kantaroolka Boosaaso ayaa lagu wareejiyey Wasaarad Maaliyada Puntland.

Boolisku waxa ay sheegeen in lacagtan ay tahay Shilin Soomaali been abuur ah, waxaana ay sheegeen in lagu qariyay Fuustooyin iyo jawaanno lagana keenay Koonfurta iyo bartamaha Soomaliya.

Qabashada lacagatan aya ku soo beegmaysa xili dhawaan Wasaarada Maaliyada Puntland ay Amaro ka soo saartay lacagaha laga keenayo gobalada kale ee Soomaliya .

Cabdiqani Boos

Puntland Post