Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Wararka aanu ka haleeyno Magaalada Captown ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya in xalay Kooxo hubaysan oo Burcad Koonfur-Afrikaan ah ay dilal, dhaawac iyo boob u geysay ganacsato Soomaaliyeed iyo goobahooda ganacsi.

Deegaan la yiraahdo Kiliij oo qiyaastii 40-KM u jira Magaalada Captown ayaa lagu waramayaa in shalay illaa xalay lagu boobay in kabadn 20-xarumo ganacsi oo ay leeyihiin Soomaalida halkaasi ku nool.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in intii rabshaduhu ay socdeen ay burcadda Koonfur-Afrikaantu ay dileen hal wiil oo Soomaali ah mid kalena ay dhaawaceen,labadan ruuxna Tukaankooda ayaa lagu weeraray.

Rabshadahan kasoo cusboonaaday dalka deegaankaasi ayaa naloo xaqiijiyey inay ka dambeeyeen kadib markii ganacsade soomaali ah uu maalma ka hor toogtay gabar dhawr iyo toban jir ah oo dalkaasi u dhalatay sidaana xaalku ku xumaaday.

Ganacsatada Soomaalida ayaa deegaankaas uga qaxay dhanka Magaalada Capetown si hantidooda iyo naftoodaba uga badbaadiyaan burcadda weerarka ku ah.

Madaxda Safaaradda Soomaalida ee dalkaasi ayaa hadda wada dadaal ay ku doonayaan xaaladda ku qaboojiyaan loogana hortago dhibaato hor leh oo soomaalida loo geysto wallow wali wax la taabankaro aysan u qabsoomin Soomaalida,iyadoona goobaha rabshaduhu ay ka socdaan ay buux dhaafiyeen Boolis ku amraya Soomaalida inaysan furin Dukaamada.

Mid Ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi Koonfur-Afrika  ayaa faah-faahin ka bixinaya xaaladdu sida ay hadda tahay iyo sida ay wax u socdaan.

Dalka Koonfur-Afrika waxaa lagu dhibaateeyaa si joogto ah dadka Soomaalida ee ku nool dalkaasi iyadoo madaxda dalkaasina aysan waxba u qaban dadka Soomaalida ee dhibaateysan naftooda iyo maalkoodana lagu xad-gudbayo.

PUNTLAND POST