Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo goordhow ka Bilaabaneysa Jowhar

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow halkaasi ay ka bilaabaneeyso doorashada madaxtinimo ee maamulka Hirshabelle.

Guddiga Doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle ayaa ku waramaya in doorashada ay si cadaalad ah maanta uga dhici doonto magaalada Jowhar.

Waxaa goordhow hoolka ay ka dhaceeyso doorashada ku soo aruuray Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo iyagu dooranaya Madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa madasha ku sugan wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya iyo xubno ka socdo beesha caalamka oo goobjoog ka noqonayo doorashada Hirshabeelle.

8- Musharax ayaa u tartamaya in ay ku guuleeystaan kursiga madaxtinimo ee maamulka Hirshabeelle.

Hoos ka Aqriso Magacyada Musharixiinta.

1- Daahir Cabdulle Cawaale

2- C/raxmaan Xuseen Caddow

3- Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf-dabageed)

4- Maxamed Caruushe Diirow

5- C/naasir Xaaji Shurwac Maxamuud

6- Cabdi Faarax laqanyo

7- Maxamed Cabdi Waare

8- C/kariin Cali Nuur.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho