Shir lagu dejinayo qorshaha kasoo kabashada abaarta oo ka furmay Garowe

Shir lagu dejinayo qorshe ku saabsan u adkeysiga iyo dib usoo kabashada abaarta ka dhacda deegaanada Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garowe, waxaana kasoo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland, Mr Andrew Lanyon oo ah madaxa mashruuca SomRep ee Puntland,Masuuliyiin ka socda Hay,addaha Samafalka iyo Dhalinyaro.

Barnaamijkan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Puntland iyo Hay,addo ku mideysan mashruuca SOMREP waxaana uu socon doona muddo labo maalmood ah oo lagu soo bandhigayo qiimeyn lagu sameeyay 8 degmo oo ka tirsan Puntland kuwaas oo ka mid ah deegaanadii ay ka dhacday Abaartu.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Puntland Siciid Ojja ayaa sheegay inay tahay ujeedada shirkaan sidii looga fakari lahaa abaarta soo noqnoqota iyo sidii loogu adkeysan lahaa islamarkaana loogu raadin lahaa Daawo .

Dhinaca kale waxaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay shirkaan Madaxa Mashruuca SomRem Andrew Lanyon oo sheegay inay barakicisay abaartii ku dhufatay deegaanada Puntland 32,000 ilaa 35,000 oo qoys, Sidoo kalena ay baabe,een 50% xoolihii ay dadku dhaqanjireen.

Wuxuu sheegay Andrew in abaartu aysan saamayn qof iyo koox gaar ah balse ay taabatay dhamaan dadka ku nool mandiqada Puntland, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay sidii looga fakari lahaa ka hortaga iyo dabargoynta abaaraha kusoo noqnoqda dalka, Isagoona hoosta ka xariiqay inay wax badan fududeyn karaan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST