PUNSAA oo walaac ka muujisay War ka soo baxay Wasiirka Amniga Puntland

Kulan ay maanta isu yimaadeen Garowe xubno ka tirsan Daladda daneeyaasha aan dowliga ahayn ee Bulshada rayidka ah Puntland ( PUNSAA) ayay walaac ka muujiyeen warqad horey uga soo baxday Wasiirka Amniga Puntland oo u jeedadeedu ahayd in aan wax shir siyaasadeed ah lagu qaban karin gudaha Puntland.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulankaas oo nuqul kamid ah uu soo gaaray PUNTLAND POST ayaa lagu sheegay in Daladda PUNSAA aamisn santahay in Dowladda Puntland ku dhisan tahay mabaadida Dimoqraadiyadda sida ku cad qodobka 3-aad ee dastuurka Puntland.

Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Daladdu aysan raali ka hayn in laga qabto wax shirar ah oo lagu khalkhal galinayo Amniga, xasiloonida iyo jiritaanka Puntland.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka PUNSAA.


PUNTLAND POST