Muqdisho: Ra’iisul wasaare Khayre oo xarigga ka jaray xafiis lagu qaban doono Cabashooyinka

Waxaa magaalada Muqdisho laga hirgaliyey xafiis lagu sheegay in lagu qabanayo cabshooyinka dadka ee la xariira dhinacayada Cadaaladda iyo tallo bixinta .

Xafiiska waxaa hirgalisay xukuumadda Soomaaliya , Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xarigga ka jaray xafiiska , wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa goob joog ahaa furitaanka.

“Waxaad uga mahadcelinayaa Wasaaradda Cadaaladda oo hirgelisay Xafiisyadan,tani waxay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Cadaaladda,waxayna Xukuumaddu ay xoogga saari doontaa sidii horumarin loogu sameyn lahaa arriamaha Cadaaladda iyo garsoorka oo muhiim u ah dalka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa 18 sharci gudoomay oo ay ku wareejiyeen wasaaradda Cadaaladda , kuwaas oo la horgaynayo golaha xukuumadda.

Xafiiskan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo laga furo Magaalada Muqdisho, wuxuuna kusoo aadaya xilli xubno ka tirsan baarlamaanka ay diyaariyeen mowshin xilka looga qaadayo Ra’iisul wasaaraha kadib markii Qalbi dhagax lagu wareejiyey Ethiopia.

PUNTLAND POST