Puntland oo faah-faahin ka bixisay, halka uu marayo qorshaha balaarinta Dekedda Bosaso

Bosaso-[Puntland Post] Wasiirka wasaradda Dekadaha gaadiidka Badda iyo la dagalaanka Burcad badeeda Puntland Siciid Maxamed Raage oo shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiska Wasaradda ay ku leedahaya magaalada Bosaso ayaa faah-fahin ka bixiyey qaabka uu u socdo mashruuca la xiriira balaarinta Dekada Bosaso ee Xarunta Gobalka Bari.

Siciid Maxamed Raage aya sheegay in ay yimadeen masuliyiin ka tirasan shirkada la wareegaysa dhismaha Dekada Bosaso isla markaana dhawaan lagu wado in la bilaabo balaarinta Dekada.

Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay Wsiirku in ay garab istaagan hormarka Dekada Bosaso, madaama ay mudo 26 sano ah ay soo shaqeynasay islamarakaana la gaaray wakhtigi iyada la maal galin lahaa.

Balaarinta Dekada Bosaso ayaa saaman u geysanaysa Xaafadaha ku dhaw oo ay ku nool yihiin dad ku nool Dabaqado kala duwan waxana uu sheegay  Wasiirku in dadkaasi ay dawladu la tashiyo kala duwan ay la yeelan doonto.

Daawo shirka Jaraa’id Ee Wasiirka Dekadaha Puntland 

 

 

 

Cabdiqani Boos

Puntland Post  Bosaso