Ganacsato Soomaaliyeed oo baaq u diray dowladda Soomaaliya

Bosaso[Puntland Post]-Qaar ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn Puntland-Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Bosaso ayaa qabasho ka muujiyey ganacsato isugu jirta Soomaali iyo ajaamib, kuwaasi oo ku sugan wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Ganacsatadaasi ayaa sheegay in sharciyadii ganacsi iyo kii ay ku joogeen wadanka Imaaraatka Carabta si sharci darro ah looga qaaday, isla markaana dalka dib loogu soo celiyey,

Abshir Aadan Cabdiraxmaan oo ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay mudadii dhereed ee dalka bur-burka ahaa ganacsatadii u shaqeynaysay dadka iyo dalka ay soo wajahday dhibaatooyin isugu jirta xarig, hantadaad, jirdil iyo xarig.

“Ganacsatada Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraatka Carabta ayaa waxaa la cadeestay waayadan in la dhibaateeyo” ayuu yiri ganacsade Abshir Aadan Cabdiraxmaan.

Ganacsade Abshir Muumin Ibraahin oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay dad dhibaateenayo ganacsatada Soomaaliyeed ay yihiin shaqsiyaad u shaqeeya dowladda Imaaratka Carabta iyo ganacsato Soomaaliyeeed, waxa una ku baaqay in arintaasi dowladda Soomaaliya ay wax ka qabato.

“Ganacsato ayaa waxaa la yiri ma istaahishaan in aad joogtaan Imaaraatka Carabta, dadbaa jira oo hanti ma guurto ku leh wadankaasi, waqti lama siin oo dib ayaa loo soo celiyey” ayuu yiri Ganacsade Abshir Muumin Ibraahin.

Mustafe Salaad Cali iyo Maxamed Faarax Bayr oo ugu dambeen kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shaqsiyaad kooban oo u dhashay dalka Soomaaliya iyo Imaaratka Carabta in ganacsatadii Soomaaliyeed weydiiya dhaqaale aan sharci ahayn, kii diidana waa la dhibaateeyaa.

Ganacsatadii isugu timid kulanka ayaa sheegtay in dhaqaalihii laga xanibay iyadoo qaarkood loo dhaa-dhiciyey xabsiga.

Waxay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in arintaasi ay wax ka qabato maadaama dowladda Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah.