Wasiirka Cusub Ee Wasaradda Duulista hawada Puntland oo Booqday Garoonka diyaradaha Boosaso

Bosaso-[Puntland Post]-Wasiirka Cusub Ee wasardda Duulista hawada iyo Garoomada Puntland Axmed Cilmi Cismaan karash oo ay weheliyaan Maamulka Gobalka Bari ,kan Degmada Boosaso ,ku xigeenka Mareeyaha Garoonka Diyaaradaha iyo Masuuliyiin kale ayaa kormeeray Garoonka Diyaradaha Boosaso.

Masuuliyiintan ayaa kormeerka ka bilabaya qeybta Nasashada Ee Garoonka dhabada ay diyaaraduhu ku ordan iyo qeybta shidlaka laga siiyo diyaradaha oo si casri ah loo dhisay iyagoona sida oo kale warbxino ka dhageystay madaxda shaqada garoonka ku hawlan.

Markii uu kormeerku soo dhamaaday ayaa waxa si wadajir ah saxafada ula  hadlay Masuuliyiinta kormeeray garoonka diyaradaha  oo uu hor kacayey wasiirka cusub Ee wasarada duulista hawada iyo Garoomada Puntland.

Yuusuf Maxamed  Waceys Dhado Gudoomiyaha Gobalka Bari Duqa Degmada Boosaso Yaasiin Mire Maxamuud iyo ku Xigeenka Mareeyaha Garoonka Diyradaha Bosaso Nuur Jaamac Carab ayaa si wada jir ah usoo dhaweyey wasiirka cusub ee wasaradda garoomada Puntland  waxayna ku tilmaamen shaqsi hufan oo shaqadan khibrad u leh.

Axmed Cilmi Cismaan karash wasiirka Cusub Ee wasaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland  ayaa sheegaya in uu kormeerkiisa ku soo arkay hormar wanagasan o uu garoonku ku talabsaday isla markan uu sii laba jibaari doona .

Wasiirkan cusub ee wasarad duulista hawada ayaa dhawan xilka lo magacabay waxana horyaala hawlo mihiim ah oo ay kamid yihiin dardargalinta wajiga labada Ee dhismaha garoonka diyaradaha Boosaso.

 

Cabdiqani Boos 

Puntland Post