Nin la dilay kadib markii uu Midi ku weeraray Askar Belgium ah

Booliska magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa toogasho ku dilay nin la sheegay in uu Midi ku dhaawacay labo Askari oo kamid ah Military-ga dalkaas, kadib markii uu si kedis ah u weeraray.

Ninka la toogtay ayaa la sheegay in uu Asal ahaan ka soo jeeday Somalia, waxaana da’diisa lagu sheegay 30 sano jir sida ay baahiyeen warbaahinta caalamku.

Dacwad oogayaasha Belgium ayaa sheegay in ninkan oo aan horey loogu aqoonin falalka Xagjirnimada uu ku dhawaaqayay Allahu Akbar, xiligii uu weerarka ka geysanayay.

Dacwada falkan ayaa loo wareejiyay maxakamada heer Federaal ,waxayna sheegtay Haweeney Afhayeen u ah maxakamadda Federaalka in falkaas loo aqoon saday in uu yahay isku day fal Argagixiso.

Philip Close oo ah Duqa magalada Brussels ayaa sheegay in uu jiray heegan ballaaran oo amaanka la xiriira, waxaana Amaanka dalkaasi siweyn loo adkeeyey wixii ka dambeeyey weeraradii ka dhacay magaalooyinka Paris  2015 iyo  Brussels  2016.

Askartii Belgiumka ee uu weeraray ninkani ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudud.

PUNTLAND POST