WARBIXIN: Diyaaradaha Kenya oo Hogaaminaya Duullimaadyada Gudaha ee Qaaradda Afrika

 Nairobi (PP) ─ Marka aad eegto dhanka duulimaadyada Gudaha ee Afrika, ayaa la sheegay in Kenya ay noqotay dalka ugu horreeya duulimaadyada ee waddamada Afrika oo dhan.

Sida laga soo xigtay hay’adda Forward Keys, safarka duulimaadyada gudaha ee Nairobi ayaa kordhay 22% sanadkan lagu jiro 2017-ka, taasoo noqonaysa inay ka badisay dalalkii tartanka kula jiray ee Tunisia iyo Itoobiya, kuwaasoo iyagana kororkoodu gaaray 14% iyo 9%.

Duulimaadyada caalamiga ah ee ay sameeyaan diyaaradaha Kenya ayaa iyaguna kordhay 8%, taasoo ka dhigan inay noqotay Nairobi magaalada ugu weyn Afrika ee duulimaadyada sida ay shaacisay Taraafikada caalamiga ah.

Sidoo kale, Falanqeyntan ayaa soo bandhigtay garoommada waaweyn ee ku yaala 10 magaalo oo ka tirsan siddeed dal oo Afrika ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Itoobiya, Koonfur Afrika, Nigeria, Masar iyo Morooko.

Kororka duulimaadka Kenya ayaa fududeeyay dhawr arrimood oo muhiim ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin horumarka uu ku tallaabsaday garoonka Jomo Kenyatta, kaddib markii sannadkii 2013-dii uu dab qabsaday qayb ka mid ah garoonka, qaybtan oo dhaqaalaha kasoo xarooda lagu sheegay 7.5 milyan oo dollar sannadkiiba.

Dadka dalxiisayaasha ah ee isaga goosha gudaha Afrika ayaa waxay sidoo kale ka dhgay garoonka mid hawlihiisu ay kordheen dhawrkii sano ee ugu dameeyay. Waxaana waxyaabaha sare u qaaday ka mid ah cunnooyinka ay bixiyaan diyaaradaha oo lagu sheegay kuwo heer sare ah.

Inkastoo ay jiraan hanjabaadyo dhanka argagaxisada ah, haddana dalkaasi wuxuu noqnoayaa mid ay sii kordhayaan duulimaadyadiisa gudaha iyo sidoo kale dhanka dalxiiska oo sare u qaada socdaalka Kenya.

Ugu dambeyn,  Waxbixintan ayaa lagu xusay in dulimaadyada dalalka ay ka mid yihiin Kenya, Tanzania iyo Itoobiya ay kordheen sannadkan oo keliya 14.9%, taasoo ka dhigaysa Qaaradda midda ugu dalxiiska badan dunida.

PUNTLAND POST