Farmaajo oo faray Xukuumadda inay daba-gal ku sameyso heshiiskii uu lasoo galay Masar

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in ay daba-gal ku samayso sidii looga mira dhalin lahaa qorshayaashii ay isku soo afgarteen dowladda Masar.

Madaxweynaha oo shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay dalka Masar ay ahayd mid mira dhal ah taasoo ka turjumeysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey arrimaha ugu muhiimsan ee ay isku soo af-garteen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdi Fataax Al-Siisi oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal, kordhinta deeqaha waxbarasho, tababarrada iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha.

Waxyaabaha kale ee is-afgaradka laga gaaray waxaa kamid ah horumarinta ganacasiga, maalgalisha beeraha, kalluumeysiga, xoolaha iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Masar.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Somalia ayaa dhawaan u direysa dalka Masar saraakiil gaaraya 15 oo ka tirsan Ciidanka Booliska kuwaas oo bilow u ah qorshaha dowladda Masar ay kaga qeyb qaadaneyso tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST