Dawladda Puntland oo dib u habayn iyo dib u casriyayn ku samaynaysa 11 ka mid ah hay’adaha dawladda

Shir wadatashi ah oo looga arrinsanayey sidii dib u habayn iyo dib u casriyayn loogu samayn lahaa 11 hay’adood oo kamid ah hay’adaha dawladda Puntland ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland.

Kow iyo tobankaan hay’adood ayaan qayb ka ahayn hay’adihii markii hore ka faa’iideysanyey mashruuca tayaynta shaqaalaha ee CIP, inkasoo hadda mashruuca CIP uu dawladda ka gacan siinayo sidii dib u casriyayn iyo dib u habayn loogu samayn lahaa hay’adahaan 11-ka ah.

Hay’adahaan ayaa waxay kala yihiin Wasaaradaha Deegaanka ,Caafimaadka ,Dekedaha,Haweenka ,Amniga iyo DDR ,Arimaha Gudaha , Waxbarshada, Hayadda askaynta Maamul wanaaga ,Xafiiska Hanti dhowrka Guud ,Xafiiska Xisaabaadka guud , iyo Jamacada PSU oo iyadu dawladda kala shaqaysa dhanka tababarrada shaqaalaha dawladda

Agaasimaha Waaxda shaqada iyo dhaqaalah Ee wasaaradda Barni Ciise Axmed ayaa ka warbixiyay ujeedka laga leeyahay barnaamijkan lagu tayaynayo habraaca shaqooyinka Hay’adda Dowladda Puntland.

Agaasimaha hay’adda astaynta maamul wanaaga iyo ladagaalanka Musuq maasuqa DPL C/raxmaan Cali Guureeye ayaa sheegay in ay wax badan ka filayaan barnaamijkan iyagoona ku kalsoon tabba-galkiisa.

Wasiirka Wasaardda Shaqada shaqaalaha Dhalinyarada & Ciyaaraha DPL C/raxmaan Sheekh Axmed waxaa faahfaahiyay Muhiimadda uu  mashruucani u leeyahay shacabka iyo dawladda Puntland iyo horumarrada laga gaadhey muddadii uu mashruucaani shaqaynayey

Mahan markii ugu horaysan ee sidaan oo kale loo hubinayo hab raaca shaqo Hay’adda Dowladda waxaa horay barnaamijkan loo mariyay 9 hay’adood oo lagu guulaystay dib habayntooda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST