Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo fariin adag u diray Ganacsatada.

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay oo maanta ku daahfuray magaalada Garowe waaxda tayo dhawrka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Puntland ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 15 bisha Setemper 2017 jiri doonin ganacsade wax lasoo dega ama dhoofiya shahaado la,aan.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Madaxweyne kuxigeenka Puntland xilli uu ka qeybgalay munaasabad maanta lagu daahfuray waaxda Tayo dhawrka oo ka qabsoontay magaalada Garowe, waxaana ka qeybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indha guran) Gudoomiye kuxigeenka Baarlamanka Puntland, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Ganacsato, Haween iyo Marti sharaf kale.

Waxaa bahwadaag ku ah barnaamijkaan Wasaaraddaha kala ah Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntand,Wasaaradda Caafimaadka,Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasaaradda Kaluumaysiga Puntland.

Waaxda Tayo-dhowrka Puntland waxaa ay baaris buuxda ku samaynaysaa tayo xumada cuntada dhacday,daawada dhacday,sharaabka,dhacay,shidaalka iyo badeeco kasta oo soo gasha ama ka dhoofta Puntland,waxaana lagu baarayaa shaybaar casri ah.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdule indhoguran ayaa sheegay in badeecadaha dhacay ay dhibaato caafimaad ku hayaan shacabka Puntland,loona sameeyey waaxdaan sidii dhibaatadaas looga hortagi lahaa.

Wasiir Cabdiwali ayaa intaa ku daray in hada wixii ka danbeeya Puntland aysan soo gali doonin ama ka dhoofi doonin Badeeco aan tayadeeda la hubin,iyadoo ganacsatada aan haysan shahaadada bad qabka badeecadaha aan loo fisixi doonin inay badeeco kasoo dajiyaan Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Camay ayaa ganacsatada uga digay badeeco dhacday ama Tayo lahayn ay soo galiyaan dalka isagoo ka codsaday shacabka inay dowladda kala shaqeeyaan sidii arintaas looga miro dhalin lahaa.

Camay waxaa uu intaa ku daray in  laga bilaabo 15/9/2017 aan Puntland laga ogolaan doonin inay soo gasho ama ay ka dhoofto badeeco aan soo marin shaybaarka Tayo dhowrka Puntland waxaana uu ganacsatada ka codsaday inay hogaan samaan amarka dowladda ama ay la kulmi doonaan in laga qaado talaabo sharciga waafaqsan.

Shaybaarka Tayo dhowrka Puntland iyo waaxda Tayo dhowrka Wasaaradda Ganacsiga ayaa noqonaya shaybaarkii iyo waaxdii ugu casri sanaa oo soomaaliya laga hirgaliyo burburkii kadib.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST