Cali Osoble oo Dacwad u gudbinaya Wakiilada Beesha Caalamka

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa  ku sugan Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kadib markii dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay uu ku sugnaa Magaaladda Jowhar.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Osoble u yimid Muqdisho sidii kulamo ula qaadan lahaa Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane, si uu ugu gudbiyo dacwad ka dhan ah dowladda Federaalka iyo in xil ka qaadistiisa ay aheyd sharci darro.

Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa maalmihii dambe ku sugnaa Magaaladda Jowhar waxaa jirtay xiisad u dhaxeysa isaga iyo  Xildhibaano ka Tirsan baarlamanka Maamulkaas oo sheegay in ay xilka ka qaadeen.

Sidoo kale Osoble ayaa Qoraal ku qornaa afka English oo uu u qoray wakiilada beesha Caalamka ayuu ku tilmaamay tallaabadii Baarlamaanka inay aheyd afgambi siyaasadeed oo ay ka dambeysay dowladda Federaalka, gaar ahaan Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale waxaa Magaaladda Muqdisho ku sugan Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Hirshabeelle Shiikh Cusmaan, kaasi oo casuumaad ka helay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Dowladda Soomaaliya ayaa wali ka hadlin mowqifka ay ka taagan tahay xil ka qaadistii Cali Cosoble iyo xiisada siyaasadeed ee Maamulka Hirshabeelle.

PUNTLAND POST