Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya oo gaaray Jowhar

Wefti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta shabeellaha dhexe ahna Caasumadda maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka iyo weftigiisa waxaa magaalada Jowhar kusoo dhaweeyey , masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo qaarkamid ah shacabka magaalada.

Juxaa ayaa hogaaminaya wefti dhex dhexaadin doona xaalada ka dhextaagan maamulka Hirshabeelle, waxaana la filaya in Wasiirka iyo weftiguusu kulamo la qaataan Madaxweynaha iyo Baarlamaanka si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed.

Magaalada Jowhar waxaa ka taagan qalalaaso siyaasadeed oo u dhaxeeya Baarlamaanka oo labo ukala qaybsan dhinac ayaa taageersan madaxweyne Cosoble oo xilka laga tuuray iyo kuwa kasoo horjeeda.

Baarlamaanka ayaa xilka madaxweynaha u igmaday inuu siihayo madaxweyne ku xigeenka Cali Cabdullaahi ( Cali Guudlaawe) inkasto ay jiraan Xildhibaano mowshin ka keenay isagana.

Waxaa meel adag maraysa xaalada cakiran ee soo wajahday maamulka Hirshabeelle, Madaxweyne Cosoble ayaa diiday xil ka qaadista lagu sameeyey.

Lama garan karo wuxuu ku dhamaan doon da daalka ay wado dowladda Federaalku oo ku doonayso in lagu xaliyo xaalada Hirshabeelle.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE