Madaxweynaha Puntland oo u duulay boqortooyada sucuudiga

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka duulay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso isagoo kusii jeeda magaalada Jidda ee Bortooyada Sucuudiga , wuxuuna soo gudanaya rugniga diiniga ah ee Xajka.

Cabdiwali Gaas oo warfideenka kula hadlay Garoonka Bosaso ayaa u sheegay inuu soo gudanayo waajibadka Xajka isago ka codsatay ummadda Soomaaliyeed inay soo cafiyaan.

Madaxweynaha ayaa kamid noqonaya sanadkan kumaan kun oo Soomaali oo soo gudanaysa Waajibaadka Xajka, waxaana aadi taan Xajka ee madaxweyne Gaas kusoo aadaya xilli dad badan oo Soomaaliyeed ay cabasho ka muujiyeen lacagta ay ku aadan Xajka oo ay ku tilmaameen mid aad u badan.

Gaas ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey Puntland isago xilka haya soo xajiya, dalka Sucuudiga intuu jooga waxaa la filaya inuu la kulmo masuuliyiinka tirsan boqortooyada dalkaas.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE