Dowladda Sweden oo ciidamo usoo diraysa Soomaaliya

Dowladda Sweden ayaa ciidamado dowladda federaalka ka caawiya la dagaalanka kooxaha Burcad badeedka ah usoo dirtay, waxayna wataan diyaaradaha qumaatiga ukaca iyo hub casri ah.

Sida uu helayo Puntand Post ciidamada ayaa ka baxay magaalada Gothenburg ee dalkaas, waxaana maalmaha soo socda la filaya inay soo gaaraan Soomaaliya.

Wadamo badan ayaa ka cabsi qaba inay soo laabato khatartii kooxaha burcad badeedka , iyagoo sanadkan gaystay dhowr weerar .

“ Waxaa ugu horeeya ayaa ah inaan kor kala socono Cuntooyinka Gargaarka ah ee Soomaaliya lasoo diraayo in aysan waxyeeleyn Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ,waxaana sidoo kale Xeebaha Soomaaliya aan u tageynaa inaan Xoojino la dagaalka Kooxaha Burcadbadeeda “ayuu yiri Major Thomas Olsson, oo ah taliyaha Ciidamada Sweden ee Xeebaha Soomaaliya.

Dalalka qaarkood ayaa sheegaya inay soo laabteen Burcad badeedii Soomaalida, islamarkaana loo baahan yahay in laga hortago khatartooda, Midowga Yurub ayaa isna ka dhawaajiyey inay abaabul wadaan kooxaha Burcad badeeda.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE