Xildhibaano taageersan Cosoble oo mowshin ka keenay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle

Xildhibaano taageersan madaxweynihii hore ee Hirshaballe Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay inay xilka ka qaadeen madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), waxayna tilmaameen in Xildhibaano gaaraya 30 mudane ay Mowshin ka keeneen.

Xildhibaanadan oo Jowhar shir ku yeeshay ayaa tilmaamay in 67 mudane ay isku raaceen mowshinka xilka looga qaaday madaxweyne ku xigeenka , Maxamed Cabdullaahi Digaale Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in mowshin laga keenay madaxweyne ku xigeenka maamulkaas.

Xildhibaanadan ayaa beeniyey inay xalay Mowshin ka keeneen gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre Maxamed waxayna xuseen inaysan xil ka qaadis ku samayn gudoomiyaha walina uu xilkiisa hayo.

Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa hadda u muuqda labo dhinac oo kala taageersan madaxweynihii xilka laga tuuray Cosoble iyo madaxweyne ku xigeenka Cali Guudlaawe, Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne ayaa laga hadal hayaa xaalada siyaasadeed ee maamulka soo wajahday.

Dadka qaarkood ayaa ku tilmaamaya inaysan ahayn wax loo baahna arrinta socota, islamarkaana ay dib u dhac u keenayso maamulka curdinka ah.

Halka kuwa kale ay qabaan aragti taa ka duwan oo ay soo dhaweeyeen xilka qaadista madaxweyne Cosoble.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE