Mid ka mid ah Magaalooyinka Waa-weyn ee Dalka Sucuudiga oo si aad ah u Burburtay


Riyadh (PP) ─
Wariye ka tirsan BBC-da oo lagu magacaabo Sally Nabil ayaa loo ogolaaday in uu tago magaalada ku taala bariga Sucuudiga ee Awaamiya, halkaasi oo ay billooyinkii ugu dambeeyey ka dhacayeen rabshado iyo dagaalo u dhaxeeya ciidamada Sucuudiga iyo kooxo shiico ah oo halkaasi ku sugan.

“Waxaad haysataa daqiiqado kooban oo aad dhulka taagnaan kartid, markii aan ku dhahno ‘dhaqaaq’, waa in ay aad horay ka orodaa” ayuu yiri sargaal ka tirsan booliiska Sucuudiga oo la hadlayay wariyaheena oo saaran gaari nooca qafilan ah oo kusii jeedey magaalada Awamiya.

Markasta oo loosoo dhawaado magaalada, taliyeyaasha kolonyadan la socda ayaa taleefoon ka wacayay taliyeyaasha kale si ay waddada nabad ugu maraan.

Xaaladda amni ee magaalada Awamiya waa mid cakiran inkasta oo dowladda ay sheegeyso in ay gacanta ku dhigtey amniga.

“Markii aan gaarnay magaalada Awaamiya, heerka burburka ku dhacay magaalada waxa ay ahayd wax laga argagoxo, waxa ay u ekaatay sidii furin dagaal oo kale sida inaga oo joogna Mosul iyo Allepo” ayuu yiri wariyaheena Sally Nabil.

    

Awamiya waxa ay ku taalaa gobolka Qatif ee ku yaala bariga dalkaasi, salliidana hodanka ku ah, waxayna hoy u tahay illaa 30,000 qof oo u badan Shiico.

Hadda ma jiro wax badan oo ka nool magaaladii mar xiimi jirtey, giddaar kasta waxaa ku taala rasaas, baabuur gubatey ayaa dariiqyada yaala, sidoo kale dukaamo gubtey ayaad arkaysaa. Waxani oo dhanna waxa ay astaan u yihiin dagaalka meesha ka dhacay.

Dadka Shiicada ah ee laga tirada badanyahay waxa ay muddo sannooyin ah ka cabanayeen takoor iyo gacan bidxeyn uu ku hayo nidaamka sunniyiinta majaraha u hayaan.

Markasta oo ay mudaaharaad sameeyaana waxa ay gacan bir ah kala kulmaan dowladda.

“Dowladda Sucuuida ma ogola mucaarad, haddii ay ahaan lahayd mid ka imanaya sunniga ama shiicada, ma ahan kuwa dulqaad leh” ayuu yiri Cali Adubisi oo ah agaasimaha hay’adda xuquuqul insaanka Sucuudiga oo fadhigeedu yahay magaalada Baarliin ee dalka Jarmalka.

Magaalada waxaa dhex yaala cagaf-cagafyo loo isticmaalay duminta qeybta qadiimiga ah ee Amawiya, taasi oo ay dowladda ku micneysey in ay ka samaynayso mashaariic horumarineed.

“Siddeetan guri ayaa la dumiyey, waxaa inoo dhiman 400 kale, waxaana jira guryo aad u duugoobay, waana in la casriyeeyaa” ayuu yiri sii hayaha duqa magaalada Cisam Cabdiladhif Al Mulla.

“Qoysaskii halkan degganaa meelo kale ayaa loo raray, dowladdana waxa ay siisay magdhow fiican” ayuu intaasi ku daray.

Islamarkii la bilaabay duminta Awaamiya, waxaa biloowdey rabshado lagu diidanyahay duminta.

Kooxaha Shiicada ayaa dowladda ku eedeynaya in ay dadka ku qasbeen in ay meesha ka guuraan si ay meesha oga saarto dadka mucaaradka ku ah.

Waxaa dowladda lagu eedeeyey in ay xirtey waddooyinka laga soo galo magaalada ama laga boxo bishii Luuliyo, dadka deegaankana ka hor istaagtay in ay helaan adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka oo kale.

Rabshadihii dhacay waxaa illaa iyo hadda ku dhintey illaa 20 qof oo shacab ah oo uu ka midyahay wiil 3 sanno jir ah, iyo illaa 5 ka mid ah kooxaha falaagada ah.

Balse dowladda Sucuudiga waxa ay sheegtey in ay dhinteen 8 ciidamada booliiska ka mid ah iyo afar ciidamada gaarka ah, mana aysan sheegin qasaaraha shacabka gaaray.

Wasaarada arrimaha gudaha ayaa ayaa rabshadaha dhacay ku eedeysay kooxo argagixiso ah oo muddo sannooyin ah ka hawlgalayay deegaanadaas.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegey in ciidamada markasta lagu soo weeraro garneelo iyo hubta darandooriga u dhaca.

“Argagixisada waxa ay laayeen shacabka, dadkana waxa ay u isticmaaleen sidii gaashaan, dadkana sababta ay meesha oga qaxeen waxa ay tahay in ay naftooda kala baxsadeen dhibaatada kooxaha falaagada” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Balse sheekada waxa ay leedahay dhinac kale.

“Ciidamada waxa ay toogtaan qof kasta oo ay arkaan, nin, naag, qof weyn, ama ilmo” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ka qaxay magaalada Awamiya oo ku sugan dalka Jarmalka.

Ninkan oo diidey in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegey in isaga shaqsi ahaan uusan waligiis hub qaadanin, balse uu fahmi karo sababta dadka kale hubka u qaateen.

“Waxaa suurtogal ah in dil toogasho lagugu xukumo Sucuudiga, sababta kaliya ay tahay in aad Shiico tahay ama diin kale aad haysato” ayuu intaasi ku daray.

Sannadii 2011-kii ayay magaalada ka biloowdeen mudaaharaadyo xiriir la lahaa kacdoonkii Carabta, wixii markaasi ka dambeeyeyna waxaa la xirey boqolaal dad ah.

Waxaa jira ah 14 qof oo uu ku dhacay xukun dil, kuwaasi oo laga yaabo in toogasho lagu dilo. Waxaa ka mid ah wiil uu adeer u yahay sheekhii shiicada ee sannadkii hore dowladda dishey ee Nimr Baqir Al-Nimr.

Xigasho BBC

PUNTLAND POST