Daawo khidmada furashada ururada siyaasada Puntland oo la dhimay

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) oo maanta warfidiyeenka  kula hadlay magaalada garoowe ayaa ku dhawaaqay inay hoos u dhigeen ama dhimeen khidmadda isdiiwaangalinta xisbiyadda siyaasada iyo furashada ururadda siyaasada.

Khidmada furashada ururadda siyaasada oo horay u ahayd $7,000 oo dollar ayaa iminka laga dhigay lacag dhan $ 3,000 oo dollar, Halka ay horey u ahayd khidmada diiwaan galinta xisbiyadu $15 kun oo dollar balse waxaa hadda laga dhimay kala bar.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye Shuuqe oo ka hadlay shirka jaraa,id ayaa sheegay in mudo labo bilood ah lagu kordhiyey waqtiga furashada ururadda siyaasada Puntland wuxuuna ugu baaqay shacabka Puntland inay furtaan ururadda siyaasada.

Wuxuu soo jeediyay Caaqil Cabdiraxmaan Shuuqe in si deg deg ah loo dhiso Maxkamada sarre ee dastuuriga ah wuxuu kale oo uu ku baaqay in Dowladu shir u qabato beesha caalamka kuwooda daneeya arrimaha doorashooyinka.

Wuxuu sheegay Gudoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Caaqil Shuuqe in Guddigu isku raacay in la socodsiiyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada Puntland xitaa haddii aysan Puntland ka dhicin doorasho qof iyo cod ah sanadka 2019.

DAAWO Shirka Jaraa,id ee Gudoomiye Shuuqe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST