Alexi Sanchez oo aan la ogeyn inuu sii joogayo Arsenal Heshiiskiisa kaddib


London (PP) ─
Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal, Arsene Wenger ayaa sheegay in weli wax horumar ah aan laga sameyn Wada-hadallada ay kooxdu ku dooneyso inay heshiis cusub uga saxiixdo Alexis Sanchez.

Cayaaryahan Sanchez oo 28-jir ah, ayaa Qandaraaska uu Arsenal kula jiro waxaa ka haray 12-bilood ama hal sano oo keliya bilood, isagoo la sii joogi doona haddii heshiis kale ay galaan, haddii kalena ay u furan tahay inuu ka tago.

“Sanchez waxaa u socda sannadkii ugu dambeeyey Qandaraaskiisa, welina wax horumar ah kama aysan sameyn kooxda Arsenal arrintaas,” ayuu yiri macallinka Arsenal oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada London.

Tababare Wenger ayaa muujiyay inay u badan tahay in xiddigaan u dhashay waddanka Chile uu si bilaash ah kooxda kaga tago xagaaga soo socda.

“Ma ahan arrin wanaagsan marka la eego dhaqaale ahaan, waxayna u baahan tahay dulqaad,” ayuu yiri Wenger oo ka hadlaya in kooxda kulumin doonto cayaaryahanka si bilaash ah.

Ugu dambeyn, Arsenal ayaa ku adkeesaneysa in xiddigan uusan iib ahayn, inkasta oo lala xiriirnayo kooxaha Manchester City iyo Paris Saint Germain.

PUNTLAND POST