Al-shabaab oo sheegtay inuu Khilaaf u dhexeeyay Abuu-Mansuur iyo Axmed Godane

Muqdisho (PP) ─ Warbaahin taageerta Al-shabaab ayaa baahisay sababihii ku kallifay in Sheekh Mukhtaar Rooboow uu isaga tago Al-sabaab, waxaana lagu sheegay warbixintan in khilaaf soo dhexgalay Sheekh Abuu-Masuur iyo Hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab uu ahaa kan keenay in Rooboow uu ku dhuumaaleysto deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.

Khilaafka u dhexeeyay Axmed Cabdi Godane iyo Abu-Mansuur ayaa warkan lagu sheegay inuu soo billowday sannadkii 2011-kii, isla markaana uu soo maray marxalado kala duwan oo ugu dambeyn keenay inuu Sheekh Abuu-Mansuur isku soo dhiibo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Al-shabaab iyo Abu-Mansuur waxaa u dhexeeyay heshiis dhigaya in ilaalo ahaan uu u haysto Abu-Mansuur 30 askari, isla markaana uu halkaas si nabad ah ugu noolaado” ayaa lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in wadaadkan baxsadka ahaa iyo maamulladii Bay iyo Bakool uu ka dhexeeyay heshiis, isla markaana uu ka oglaaday inaanu wax dhaq-dhaqaaq ciidan ah sameyn.

Qoraalkaan waxaa lagu sheegay in Xarakaddu ogaatay dawladaha Somalia iyo Qatar ay bilaabeen muddo lix bilood laga joogo dadaal ay Shiikh Roobow uga dul-qaadayaan lacag horey Maraykanku uu u dul-saaray taasoo xilli aan fogeyn hir-gashay. Markaasna ay billaabatay qorshaha dowladda Somalia uu ugu biiray.

Dhanka kale, Qoraalka ayaa looga hadlay dagaalladii ugu dambeeyay ee Al-shabaab iyo Sheekh Abu-Mansur dhexemaray, waxaana lagu xusay inuu ku blilowday kadib markii mid ka mid ah illaalada Sheekhan uu ruux ka mid ah dadka deegaanka Abal dilay, ayna ehellada ruuxaas u dacwoodeen maxkamad ay Al-shabaab leedahay.

Maxkamada ayaa weydiisatay Wadaadka  inuu Wareejiyo Askariga wax dilay balse wuu diiday, taasoo keentay in ciidammo loo diray deegaanka si ay u soo qabtaan askariga dilka geystay, uuna qarxay dagaalka dhawrka casho socday.

Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Sheekh Mukhtaar uu ka dhawaajiyay inuu isaga baxay fikirkii Al-shabaab, isagoo u sababeeyay in ay ku timid khilaafaad dhanka fikirka ah.

PUNTLAND POST