Digreeto:- Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiiradii laga dhawrayay

Waxaa goordhawayd la shaaciyay magacaabista Gollaha Wasiiradda Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay laga dhawrayay Madaxweyne Cabdiweli Gaas ka dib markii 18 July 2017 xasaanada kala noqdeen Baarlamanka Puntland.

Wasiirada ka maqan liiska loo soo gudbiyay warbaahinta waxaa ka mid ah Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Cabdi Jamaal, Wasiirkii Haweenka Aniso Xaaji Muumin iyo Wasiirkii Dulliska Hawada Xasan Cade oo saddexda ka mid ah wasiirada laga cayriyay shaqada.

Wasiirkii horre ee beeraha iyo waraabka Tima-cade ayaa ka mid ah Wasiirada xilalka muhiimka ah ka qabanaya Xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli , waxaana loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha hoose iyo horumarinta reer Miyiga, Halka Gudoomiyihii Gobolka Karkaar Cabdilaahi Dhaqaaje loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Wallow masuulkii horey u joogay booskaas loo bedelay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Wasiirkii hore ee Amniga Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta, halka Wasiirkiii hire ee Howlada guud C/rashiid Maxamed Xirsi  loo magacaabay Wasiirka Kaluumeysiga iyo KHeyraadka badda.

Hoos ka Akhriso Digreetada Madaxweynaha

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxwyenaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr.45 August 06, 2017 ayaa lagu magcaabay Golaha cusub ee Xukuumadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland :-

Markuu arkay:-                            Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:-                   Aqoontooda,  khibradooda shaqo iyo waaya-aragnimadooda    shaqo.

Markuu la tashaday:-                               Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey:-                 Baahida loo qabo magacaabida golaha Wasiiradda.

Wuxuu Go’aansaday Madaxweynaha Dawladda Puntland magcaabida Golaha Wasiiradda.

  1. Waxaa Saalax Xabiib Jaamac loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta.
  2. Waxaa Cabdullahi Cali Xirsi Timo Cade loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.
  3. Waxaa Axmed Cabdullahi Yuusuf loo magcaabay Wasiirka Wasaardda Amniga iyo DDR-ta.
  4. Waxaa Cabdullahi Saciid Caarshe loo magcaabay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland.
  5. Waxaa Shire Xaaji Faarax loo magcaabay Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah.
  6. Waxaa Cabdifaatax Saciid Caynab loo magcaabay Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Faderalka.
  7. Waxaa Abshir Aw Yuusuf Ciise loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Tacliinta Sare.
  8. Waxaa Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise loo magcaabay wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
  9. Waxaa Cabdiraxmaan Barkhadle Warsame loo magcaabay Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.
  10. Waxaa Saciid Maxamed Raage loo magcaabay Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka iyo Amniga Badda.
  11. Waxaa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash ) loo magcaabay Wasiirka Duulista Hawadda iyo Garoomadda Puntland.
  12. Waxaa Maryan Axmed Cali loo magcaabay Wasiirka Horumarinta, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.
  13. Waxaa Cabdi Xirsi Cali Qarjab loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda War-faafinta Boostada, Dhaqanka iyo isgaadhsiinta.
  14. Waxaa Cabdiweli Xirsi Cabdule loo magcaabay Wasiirka Ganacsiga iyo wershadaha.
  15. Waxaa Cabdullahi Shiikh Axmed loo magcaaby Wasiirka Xanaanada Xoolaha.
  16. Waxaa Cabdinuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) loo magcaabay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.
  17. Waxaa Dr. Cali Cabdullahi Warsame loo magcaabay Wasaaradda Degaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska.
  18. Waxaa Cabdirashiird Maxamed Xirsi loo magcaabay Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
  19. Waxaa Cabdikhadar Faarax Shaaciye loo magcaabay Wasiirka Dib u Dhiska Maalgashiga iyo Horumarinta.
  20. Waxaa Cabdiraxmaan Shiikh Axmed loo magcaabay Wasiirka Shaqada Shaqaalaha Dhalin-yaradda iyo Ciyaaraha.

                                                     Wasiiru Dawlayaasha.

  1. Waxaa Cabdirashiid Cali Geelle loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  2. Waxaa Axmed Calimi Cawaale loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah.
  3. Waxaa Burhaan Cilmi Xirsi loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Madaxtooyadda iyo Xidhiidhka Caalamiga Ah.
  4. Waxaa Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Goladda.
  5. Waxaa Axmed Siciid Cabdiraxmaan loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka iyo Amniga Badaha.
  6. Waxaa Seyid Cumar Guuleed loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Caafimaadka.
  7. Waxaa Cabdiqani Geelle Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Garoomada Puntland.
  8. Waxaa Cali Yuusuf Cabdi Giir loo magcaabay Wasiiru Dalaha Wassaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dawladdaha Hoose.
  9. Waxaa Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye loo magcaabay Wasiiru Dalaha Wasaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
  10. Waxaa Cabdiweli Maxamed Yuusuf loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.
  11. Waxaa Cabdifataax Nuur Axmed Ashkir loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Warfaafinta, Boostaha iyo isgaadhsiinta.
  12. Waxaa Maxamuud Faarax Beeldaaje loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda.
  13. Waxaa Yasiin Cabdi Seed loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare.

 

Wasiir Ku-xigeenadda.

  1. Waxaa Cabdifataax Xasan Xuseen Waloore loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Diinta iyo Dhaqan Calinta.
  2. Waxaa Cabdulaahi Xaashi Qoob Deero loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dawladdaha Hoose.
  3. Waxaa Cabdicasiis Maxamed Aadan loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.
  4. Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
  5. Waxaa Saciid Faarax Maxamuud loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xidhiidhaka Caalamiga ah.
  6. Waxaa Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Fadaraalka.
  7. Waxaa Dr. Maxamed Cali Faarax loo Magaacanbay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Wax Barashadda iyo Tacliinta Sare.
  8. Waxaa Dr Faarax Maxamed Warsame loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.
  9. Waxaa Faarax Cali Cabdi loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.
  10. Waxaa Cadirisaaq Nuur Cumar loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
  11. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo Magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hadda iyo Garoomadda.
  12. Waxaa Faa’iso Cali Ismaaciil loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horuminta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.
  13. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta.
  14. Waxaa Cabdiraxmaan Xasan Yuusuf loo magacaaaby Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Weshedaha.
  15. Waxaa Dr. Nuur Axmed yuusuf loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  16. Waxaa Saciido Xuseen Cali Gees loo Magcaabay Wasiir Kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka.
  17. Waxaa Maxamuud Ciise Xaaji Maxamed loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaan Dalxiiska iyo Duur-joogta.
  18. Waxaa Maxamuud Maxamed Gabax loo Magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
  19. Waxa Cabdirisaaq Shire Ismaaciil Loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha.
  20. Waxaa Maxamed Jibriil Caateeye loo magcaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

Xeerkani Wuxuu Dhaqan Geleyaa Markuu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna Saxeexay Madaxweynuhu.

Dhamaad

Faafinta- PUNTLAND POST