4 ruux oo ku dhintay Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Qarax khasaare nafeed iyo mid maal ba gaystay ayaa caawa maqribnimadii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wadadda Maka Almukarama , Qaraxa ayaa ka dhacay aaga hotelka Ambasador.

Dad goob joogayaala ayaa Puntland Post u sheegay inay halmar maqleen Jugta Qaxara oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid xoggan , iyagoo intaa ku daray in gaari walxa qarxa lagu soo xiray meesha lagu Qarxiyey.

Saraakiisha dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in 4 ruux ay ku dhinteen Qaraxa halka 5 kale ku dhaawacmeen , goobo badan oo ganacsi na ay ku bur bureen.

Inta badan kooxaha wax qarxiya ayaa beegsada wadadda Maka Al-mukarama oo halbowle u ah Muqdisho , todobaadkii aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ku qarxay wadadda Maka Al-mukarama 5 ruux ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 10 kalena ku dhaawacmeen.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE