Dowlada Soomaaliya oo Sheegtay in ay Dishay Hogaamiye Al-Shabaab ah

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow Ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Caawiya Ay ku guuleeysteen in ay dilaan hogaamiye sare oo katirsan Al-Shabaab.

Eng Yariisoow ayaa sheegay in duqeeyn laga Fuliyay Gobolka Sh/hoose lagu  magacaabaa Cali Maxamed Xuseen “Cali Jabal” oo ahaa Gudoomiyihii Al-Shabaab ugu magacaawnaa Gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay duqeeyn ka geeysteen goob uu ku sugnaa inkastoo aanu faah faahin dheeri ah ka bixin arintaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay sii wadi doonto howlgaladaasi lagula beegsanayo hogaamiyaasha Al-Shabaab.

Dhowr jeer oo hore ayaa Gobolka Sh/hoose ee koonfurta Soomaaliya waxaa ka dhacay duqeeymo lagu dilay ciidamo iyo saraakiil katirsan Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho