Gen Cabdulaahi Siciid Samatar oo ka digay in la furo dastuurka Puntland

Gen, Cabdulaahi Siciid Samatar oo ka mid ah siyaasiyiintii Puntland wax kasoo dhisay, la taliyana usoo noqday Madaxweyne Gaas ayaa ka digay in la furo Dastuurka si loo qanciyo tabashada beelo.

Gen, Cabdulaahi Siciid wuxuu sheegay inuu horey ugula taliyay Madaxweyne Cabdiweli Gaas inuu ka fiirsado arrintaan, Islamarkaana haddii uu qaado talaabo noocaan ah ay dhibaato weyn uga imaan doonto beelo badan oo cabanaya.

Adeer dastuurkaan markii horre wuxuu ahaa kumeel gaar ah dabadeed waxaa loo sameeyay Afti ka dibna wuxuu noqday dastuur rasmiya qodob ka mid ah qodobadiisa ayaa shuruud ku xiraya inaan la taaban karin 66-ka Xildhibaan ilaa la gaaro doorasho ONE MAN ONE VOTE marka qodobkaas Madaxweynuhu ma bedeli karo, Issimaddu ma bedeli karaan sababtuna waxay tahay markii hore ayaa dan la biday” Ayuu yiri General Samatar.

Wuxuu sheegay in marwalba isku dayada noocaan ah jireen lana soo hordhigi jiray Madaxweynayaashii ka horeeyay Cabdiweli Gaas, balse la dhaafi kari waayay arrimo aan waqti xaadirkaan mudnayn la faragashado kuwaas oo sababi kara buuq aan xal loo heli karin.

Dhagayso Gen Cabdilaahi Siciid Samatar.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST