Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka Ee Gobolka Hiiraan

Baladweyne[Puntland Post]Madaxweynaha Maamulka gobaleedka soomaliyeed Ee Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa magacaabay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka Gobolka Hiiraan iyo Maxkamadda Magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha ayaa Warqad ka soo baxday Xafiiskiisa lagu sheegay in Madaxweynaha uu la tashiyo la sameeyay dadka Gobolka iyo degmada .

Waxaana uu magacaabay Guddoomiyayaasha iyo garsoorayaasha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hiiraan iyo midda Magaalada Baladweyne.

 

Cabdiqani Boos 

Puntland PostÂ