Hooyo Soomaliyeed iyo Wiilkeeda oo Lagu Dilay Dalka Mareykanka

Booliiska magaalada New York ee dalka mareykanka ayaa baaritaano ku haya dil loo geestay muwaadiniin soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar.

Xukuumada ayaa sheegtay in ay ka jawaabeen dhacdada saacadu New York markey aheyd 1:40 p.m waxaana dhibanayaashan soomaaliyeed ay daganayaaeen wadada Hillside Avenue.

Xubno katirsan ehelada qoyska ayaa sheegay in haweeneyda ay 37 jir aheyd oo lagu magacaabayay Isha Musa waxaana laga helay iyadoo dhimatay dagaandaga jaranjarada markii al baabka la furay, halka wiil keeda oo 20 jir ahaa isna laga helay qeybta dambe ee guriga waxana lagu magacaabayay Osmani Munongerwa.

Sidoo kale ehelada ma aysan sheegin xeriirka ka dhexeeya dhibanayaashan iyo kuwa dilka geestay iyadoo ilaa imika aan la ogeyn sababta loo dilay.

Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyay in dadkan ay soomaali ahaayeen iyagoo tilmaamay in dadka deriska lahaa ay maqlayeen rasaasta xiliga uu dilka dhacayay.

Faahfaahin dheeraad ma aysan ka soo bixin dilka muwaadiniintan soomaaliyeed,iyadoo ciidamada dambi baarista ay ku sugan yihiin halka falka uu ka dhacay.

PUNTLAND POST