Shirwaynihii afaraad ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Garowe.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Federalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta ku daahfurtay magaalada Garowe shirwaynahan afaraad ee ka talinta Aayaha dhallinyarada Soomaaliyeed,waxaana kasoo qaybgalay oo goob joog ahaa Madaxda Wasaaradaha dhallinyarada iyo ciyaaraha ee maamul gobolleedyadda dalka kuwaasi oo la talin ka samayn doona siyaasadii lagu hagi lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Siihayaha Wasiirka Shaqada Shaqaalaha,Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland C/rixmaan Shiikh Axmed oo shirwaynaha dhallinyarada ka hadlay waxa uu sheegay in kulankani uu muhiim u yahay wada shaqaynta taabagalinta iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Dallinyarada iyo Ciyaaraha ee Koonfurgalbeed,Wasiir kuxigeenada Hirshabelle iyo Jabbaland iyo Agaasimaha Guud ee dhallinyarada iyo ciyaaraha Galmudug waxay dhamaantood isku raaceen muhiimiyadda ay leedahay midaynta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Hagisteedu.

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirada dhallinyarada iyo ciyaaraha Dowlada Federalka waxay dardaaran dheer oo dhinacyo badan taabanaya u jeediysay mas’uuliyiinta ka socotay bahda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee maamul Gobolleedyada dalka waxayna ku boorisay in la soo saaro siyaasad midaynaysa dhallinta Soomaaliyeed.

Gabagabada shirkaan ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qorshe cad oo lagu horumariyo dhallinyarada Soomaaliyed iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta joogatada ee ka dhaxaysa Wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya iyo Kuwa maamul goboleedyadda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST