Dhacdo Naxdin leh: Nin Xaaskiisa ku goowracay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay dhacdo aad looga arga gaxay, taas oo ka dhacday xaafada Suuqa Xoolaha Degmada Hilwaa ee gobolka Banaadir.

Aadan Cali Macalin ayaa goowracay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Abshiro Sheekh Nuur Meyle oo 18-sano jir aheyd islamarkaasina laheyd uur 4-bilood ah.

Wararka PUNTLAND POST ay ka heleeyso ehalada haweeneeyda la goowracay iyo dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in Aadan Cali Macalin uu ka maseeray nin horay ay xiriir ula haayeen Allaha u naxariistee Abshiro Sheekh Nuur Meyle.

Khilaafkaasi ayaa oo ay soo dhexgaleen qoysaska Aadan iyo allaha u naxariistee Abshir ayay ku guuldareeystay in ay xaliyaan.

Ugu dambeeyntii Aadan Cali Macalin ayaa xaaskiisii Abshiro Sheekh Nuur Meyle saakay goowracay kadib khilaaf gacan ka hadal ahaa oo saaka soo kala dhexgalay.

Aadan Cali Macalin ayaa isaga baxsaday goobta uu falkaasi ka geeystay iyada oo ilaa iyo iminka halka jaan iyo cirib uu dhigi la la’yahay.

Hoos ka Dhageyso Warbixin Wariyaha Puntland Post ee Muqdisho Cowke uu arintaasi ka diyaariyay waxaana uu wareeystay ehalada qoosykaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho